HomeWararMaamulka Degmada Baraawe oo ka hadlay Qaraxii khasaaraha sababay ee dhacay

Maamulka Degmada Baraawe oo ka hadlay Qaraxii khasaaraha sababay ee dhacay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Maamulka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Boosteejada laga raaco gaadiidka aada deegaanka Kuunya-barow. Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda ee Baraawe, Ismaaciil Cabdullaahi Aaden oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in qaraxii ka dhacay Magaaladaas uu ahaa […]

- Advertisement -

Maamulka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Boosteejada laga raaco gaadiidka aada deegaanka Kuunya-barow.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda ee Baraawe, Ismaaciil Cabdullaahi Aaden oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in qaraxii ka dhacay Magaaladaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isagoo  xusay inuu ka dhacay Suuq ku yaalla Baraawe.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo uu tilmaamay in qaraxa lala beegsaday, waxaana uu sheegay Ismaaciil Cabdullaahi in ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo isugu jiray rag iyo haween ku sugnaa goobta.

Sidoo kale Guddoomiey ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Baraawe ayaa intaas kusii daray in laamaha ammaanka Maamulka ay wadaan howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxa khasaaraha dhaliyey ee halkaas dhacay.

Warar madax banaan oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxii ka dhacay Baraawe ay ku dhinteen laba ruux oo mid Askari uu yahay, halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee Magaaladaas Baraawe.

Latest stories