HomeWararMaxaa ka jira in Qaraxyo la geliyey gudaha Kismaayo, kana jiro khal-khal...

Maxaa ka jira in Qaraxyo la geliyey gudaha Kismaayo, kana jiro khal-khal Amni?

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay warar maalmo kahor la faafiyey oo lagu sheegayay in khal-khal amni uu ka jiro Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, lana geliyey Magaaladaasi qaraxyo la doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka. Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa waxaa uu sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararkaasi, isla […]

- Advertisement -

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay warar maalmo kahor la faafiyey oo lagu sheegayay in khal-khal amni uu ka jiro Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, lana geliyey Magaaladaasi qaraxyo la doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka.

Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa waxaa uu sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararkaasi, isla markaana khal-khal amni uusan ka jirin xilligaan gudaha Kismaayo, ayna warkaas faafiyeen dad lid ku ah ammaanka Magaalada.

- Advertisement -

Wasiir Yuusuf Dhuumaal oo la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray amaro lagu mamnuucay in hub lagu dhex wato gudaha Magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in laamaha amniga sida  Booliska iyo Nabadsugida oo kaliya ay hub dhex wadan karaan.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka amniga ayuu tilmaamay in Ciidamada Maamulka ee aan qaabilsaneynin amniga ay dib ugu laabtaan xeryahooda, isla markaana ciddii lagu arko iyada oo hub sharci darro ah ku dhex wadata Magaalada laga qaadi doono tallaabo adeg

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ku amray inay soo qabtaan cid kasta oo Magaalada Kismaayo hub ku dhex wadato, oo aan ahayn mid sharci ah ama mid goobtiisa la joogga.

Latest stories