HomeWararCiidanka Dowladda oo Maanta la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Ciidanka Dowladda oo Maanta la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoos yimaada Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle. Ciidamada ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo kamid yihiin Ceemooy, dhagax yaalle, Kilad Gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde, […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoos yimaada Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo kamid yihiin Ceemooy, dhagax yaalle, Kilad Gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in sidoo kale Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen doomo ay lahaayeen Al-shabaab oo ku xernaa wabiga shabeelle.

Saraakiisha Ciidamada ayaa tilmaamay inay doomaha ay Shabaabka u isticmaali jireen in ay ku qaataan saanadda, dhaawacyada iyo gurmadka, waxaana ay aheyd bar isku socod oo ay u adeegsadaan gobolada Shabeelooyinka iyo Gobolada dhaxe.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay howlgalka sii wadayaan tan iyo inta laga xureynayo Al-shabaab deegaanada Hirshabeelle, howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmo kahor ay Al-shabaab sheegtay inay xubno ka tirsan kooxda macwiileyda ah ku dishay Gobolka Hiiraan.

Latest stories