HomeWararCiidamo kala dhex-galay maleeshiyaad uu dhexmaray Dagaal khasaaro badan dhaliyey

Ciidamo kala dhex-galay maleeshiyaad uu dhexmaray Dagaal khasaaro badan dhaliyey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa Maanta kala dhex-galay laba maleeshiyo beeleed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka Laba-golle ee ku yaalla waqooyiga Gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku guuleystay inay kala dhex-galaan maleeshiyaadii dagaalamayey, isla markaana waxaa la joojiyay dagaalkii dhacayay, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa Maanta kala dhex-galay laba maleeshiyo beeleed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka Laba-golle ee ku yaalla waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku guuleystay inay kala dhex-galaan maleeshiyaadii dagaalamayey, isla markaana waxaa la joojiyay dagaalkii dhacayay, waxaana xaaladda deegaanka Laba-golle ay tahay mid degan oo wax rasaas ah dhaceyn.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ee ku sugan Laba-golle ay howlan yihiin sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyo beeleedka hubeysan, iyadoo Saraakiisha hoggaamineysa ay wadaan dadaal heshiis lagu kala dhex dhigayo beelaha.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray labada maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan 15 qof oo isugu jiray labada dhinac iyo dad shacab ah, halka 35 qof kalena ay dhaawacmeen.

Deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa xiliyadda qaarkood ka dhaca dagaal beeleedyo iyo dilal qorsheysan oo salka ku haaya arrimo la xiriira anooyin iyo dhul-daaqsimeedyo, Galmudug ayaa horey u kala dhex gashay maleeshiyad dagaalamay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts