HomeWararCiidamo kala dhex-galay maleeshiyaad uu dhexmaray Dagaal khasaaro badan dhaliyey

Ciidamo kala dhex-galay maleeshiyaad uu dhexmaray Dagaal khasaaro badan dhaliyey

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa Maanta kala dhex-galay laba maleeshiyo beeleed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka Laba-golle ee ku yaalla waqooyiga Gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku guuleystay inay kala dhex-galaan maleeshiyaadii dagaalamayey, isla markaana waxaa la joojiyay dagaalkii dhacayay, waxaana […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa Maanta kala dhex-galay laba maleeshiyo beeleed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka Laba-golle ee ku yaalla waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku guuleystay inay kala dhex-galaan maleeshiyaadii dagaalamayey, isla markaana waxaa la joojiyay dagaalkii dhacayay, waxaana xaaladda deegaanka Laba-golle ay tahay mid degan oo wax rasaas ah dhaceyn.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ee ku sugan Laba-golle ay howlan yihiin sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyo beeleedka hubeysan, iyadoo Saraakiisha hoggaamineysa ay wadaan dadaal heshiis lagu kala dhex dhigayo beelaha.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray labada maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan 15 qof oo isugu jiray labada dhinac iyo dad shacab ah, halka 35 qof kalena ay dhaawacmeen.

Deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa xiliyadda qaarkood ka dhaca dagaal beeleedyo iyo dilal qorsheysan oo salka ku haaya arrimo la xiriira anooyin iyo dhul-daaqsimeedyo, Galmudug ayaa horey u kala dhex gashay maleeshiyad dagaalamay.

Latest stories