HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dagaal khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Warsheekh

Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Warsheekh

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo duhurnimadii Maanta oo jimco ah ka dhacay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle. Dagaalkan oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu si gaar ah uga dhacay agagaarka Saldhiga degmada Warsheekh. Dadka deegaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo duhurnimadii Maanta oo jimco ah ka dhacay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalkan oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu si gaar ah uga dhacay agagaarka Saldhiga degmada Warsheekh.

- Advertisement -

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawac oo soo gaaray hal ruux oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, sidoo kalena la kala qabsaday qoryo.

Dagaalkii ka dhacay Waraheekh ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira muran dhul oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Maxkamadda degmadaas, waxaan dhulka isku heysta sida la tilmaamay maleeshiyo beeleedka dagaalka uu dhexmaray.

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ew Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay, wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay xiisad u dhexeeysa labada dhinac.

- Advertisement -

Si kastaba deegaano hoostega Warsheekh ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aanooyin, waxaana xusid mudan in beelaha qaarkood heshiisyo kala dhex-dhigay, halka kuwo kalena lagu guuleysan waayay in la heshiisiiyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts