HomeWararMaxkamadda Milatariga oo Xabsiyo kala duwan ku xukuntay 15 qof oo la...

Maxkamadda Milatariga oo Xabsiyo kala duwan ku xukuntay 15 qof oo la sheegay inay Al-Shabaab ka tirsanayeen

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maxkamadda milatariga ah ay xabsiyo kala duwan ku xukuntay 15 qof oo lagu helay inay gaysteen fal dambiyeed kala duwan. Dadka la xukumay ayaa iskugu jira rag yo dumar. Mid ka mid ah 15-ka qof ee la xukumay ayaa lagu xukumay 15 sano kadib markii lagu helay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maxkamadda milatariga ah ay xabsiyo kala duwan ku xukuntay 15 qof oo lagu helay inay gaysteen fal dambiyeed kala duwan.

Dadka la xukumay ayaa iskugu jira rag yo dumar. Mid ka mid ah 15-ka qof ee la xukumay ayaa lagu xukumay 15 sano kadib markii lagu helay inuu gaysanayey weerar uu doonayey inuu u adeegsado bambo hase yeeshee ay ciidanku qabteen intii aan weerarku dhicin, sida ay maxkamaddu sheegtay.

- Advertisement -

Lix qof ayaa iyagana lagu xukumay min 10 sano, halka siddeed kale lagu xukumay min 5 sano oo xarig ah.

Siddeedda qof ee lagu xukumay min shan sano waxaa ku jira saddex dumar ah oo midkood xabsigeeda aan lagu fulinayn, hase yeeshee ay ciidamada amnigu dusha kala socon doonaan.

Go’aamadan ayaa maanta maxkamadda milatariga ah ay kaga dhowaaqday magaalada Baydhaba dhagaysi halkaasi ka dhacay.

- Advertisement -

Qareennada u doodayey dadkaasi lagu helay dambiyada ayaa ku dooday intii maxkamaddu socotay in duruufi u gaysay falalka lagu soo eedeeyey, qaarkoodna ay ka hareen fikirka, iyaga oo ku dooday in la sii daayo. Qareennada ayaan weli rasmi ahaan ula hadlin saxaafadda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts