HomeWararMadaxda ugu sarreysa Puntland oo Saraakiil Itoobiyaan ah ku qaabilay  Garoowe

Madaxda ugu sarreysa Puntland oo Saraakiil Itoobiyaan ah ku qaabilay  Garoowe

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa xalay magaalada Garoowe kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland, Dagnachew Yitbarak. Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Sareeye Gaas Yaasiin Cumar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa xalay magaalada Garoowe kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland, Dagnachew Yitbarak.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil kale.

- Advertisement -

“Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Dowladda Itoobiya ayaa kordhisay xiriirka iyo la macaamilka ay la sameyneyso dowlad goboleedyada Soomaaliya wixii ka dambeeyey markii dabayaaqadii bishii tegtay ay Al-Shabaab billaabeen weerar ay ku qaadeen gobolka Soomaalida Itoobiya.

Horey ayey sidoo kale saraakiil Itoobiyaan ah Baydhaba ugula kulmeen madaxweynaha mamaulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayada oo kadibna Laftagareen uu booqasho ku tegay Itoobiya.

- Advertisement -

Kulamadan ayaa imanaya ayada oo mugdi uu ku jiro xiriirka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqday dhammaan dalalka gobolka tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022, ayaan weli booqan Itoobiya oo ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale booqday dalka Masar oo Itoobiya ay ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts