HomeWararXukuumadda oo ka hadashay howlgalada ka socda degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Xukuumadda oo ka hadashay howlgalada ka socda degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Maanta ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Hiiraan oo ka tirsan Hirshabeelle. Wasiir Cabduqaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu boggaadiyey Ciidanka Xoogga dalka ee howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan, isagoona ammaanay dowrka wanaagsan oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Maanta ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Hiiraan oo ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiir Cabduqaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu boggaadiyey Ciidanka Xoogga dalka ee howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan, isagoona ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka Gobalkaasi ka qaateen sidii Al-shabaab looga saari lahaa Hiiraan.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Al-shabaab laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan, oo markii hore ay ku sugnaayeen.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn Al-shabaab” waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo Al-shabaab” ayuu sii raacsiiyey hadalkiisa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur

- Advertisement -

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka waday degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana  Shabaab la sheegay in laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ku sugnaayeen

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts