HomeWararGuddoomiye Cali Jeyte oo Nabadoonada G/Hiiraan ku amray ka qeyb galka Howlgalada...

Guddoomiye Cali Jeyte oo Nabadoonada G/Hiiraan ku amray ka qeyb galka Howlgalada socda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan ayaa ka Warbixiyey howlgalada maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi. Guddoomiye Cali Jeyte  oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalada socday ee ka dhanka ahaa Al-shabaab laga guulo, isla markaana shabaabka laga saaray deegaano […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan ayaa ka Warbixiyey howlgalada maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Guddoomiye Cali Jeyte  oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalada socday ee ka dhanka ahaa Al-shabaab laga guulo, isla markaana shabaabka laga saaray deegaano ay Gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Guddoomiye Cali Jeyte in wejiga koowaad ee howlgalka lagu xorreeyay deegaano dhowr ah oo hoostega degmooyinka Maxaas iyo Matabaan, uuna sii socon doono howlgalkaas oo ka qeyb yihiin Ciidanka dowladda, kuwa Hirshabeelle iyo macwiisleyda.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa waxa uu Hay’adaha samafalka ka dalbaday in aysan shaqaaleeysiin karin dad aanan la hubin oo aanan marin habraacyadda ammaanka,  sidoo kalane aqoonsi ka haysan Maamulka, hay’addii fulinweynada amarkaas ay wajahi doonto sharciga.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa Nabadoonada Gobalka ku amray inay Tuutaha qaatan oo dadka ay Nabadoonada u yahiin difaacaan oo bulshadooda abaabulaan, isla markaana Nabaddoon aan safka dagaalka gelin ama aan caddeynin mowqifkiisa dib loo baari doono.

- Advertisement -

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan in ka maamul ahaan aysan aqoonsanaan doonin ururkii Dhalinyaro ee aanan qeyb ka noqon Howlgalada socda, isagoona ugu dambeyn shacabka Hiiraan ugu baaqay inay ka qeyb qaatan howlgalada..

Gaba-gabadii Cali Jeyte Cismaan ayaa u mahadceliyey Ciidamada Qalabka sida oo la Howlgalayay Hiiraan, Ciidamada Xooga dalka soomaaliyeed iyo Ciidamada dib u xorenynta deeganada ee loo yaqaan Macawiisleeyda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts