HomeWararDawladda Finland oo War kasoo saartay khilaafka ka taagan Doorashada Somaliland

Dawladda Finland oo War kasoo saartay khilaafka ka taagan Doorashada Somaliland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dawladda Finland ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda Somaliland inay dib ugu soo laabtaan miiska wadaxaajoodka, isla markaana walaac ka muujisay “jawiga siyaasadeed ee kacsan” ee ka taagan Somaliland. Bayaan uu saaray Suldaan Siciid Axmed oo tirsan Baarlamaanka Finland, asalkiisuna Soomaali yahay ahna ergayga Geeska Afrika ee dawladda Finland ayaa sheegay in booqasho uu ku tagay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dawladda Finland ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda Somaliland inay dib ugu soo laabtaan miiska wadaxaajoodka, isla markaana walaac ka muujisay “jawiga siyaasadeed ee kacsan” ee ka taagan Somaliland.

Bayaan uu saaray Suldaan Siciid Axmed oo tirsan Baarlamaanka Finland, asalkiisuna Soomaali yahay ahna ergayga Geeska Afrika ee dawladda Finland ayaa sheegay in booqasho uu ku tagay bishii July Somaliland uu kulamo kula yeeshay dadka ay ka go’do siyaasadda Somaliland,  waxaana uu yiri;

- Advertisement -

“Waxaan ka walaacsanahay jawiga siyaasadeed ee kacsan ee Somaliland, ismari waagga siyaasadeed ee kordhaya ee ku aadan in xilligeeda ay doorasho ka dhacdo Somaliland dhammaadka sanadkan”.

Bayaankiisa ayuu ku sheegay ergaygu in Somaliland ay ka mid ahayd meelaha ugu xasilloon Geeska Afrika halkaasi oo horumarka nidaamka Baarlamaaniga ah iyo dimuqraadiyadu rajo galinayeen gobol colaaddu dilootay, balse hadda deganaansho la’aanta siyaasaadeed halis ku tahay horumarkaasi wanaagsan.

Suldaan Siciid Axmed ayaa wuxuu sheegay in ay tahay wax la fami karo fasiraada kala duwan ee sharci ee xisbiyadu ka bixinayaan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay, hase yeeshee uu ku baaqayo in hannaan loo dhan yahay oo dhaqanka ku salaysan xal looga garo xaalladan.

- Advertisement -

Ergayga dawlada Finland ee Geeska Afrika wuxuu sheegay in Somaliland ay muujisay caddayn wayn oo ah in xal laga gaaro xaallado la isku diiddanaa iyadoo aqalka Guurtida & hay’adaha kale ee dawloga ah door wayn ka ciyaareen arrintaas.

Somaliland ayaa waxaa ka taagan khilaafka xoogan oo u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda xisbiyada Somaliland, waxaana dhawaan fashilmay dadaalo kala duwan oo lagu doonayey lagu xaliyo khilaafka ka jira doorashada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts