HomeWararGuddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka oo Booqday dhaawacyada Qaraxii Marka

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka oo Booqday dhaawacyada Qaraxii Marka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalka Magaaladda Muqdisho oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay ee Al shabaab ka geyateen Magaaladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalka Magaaladda Muqdisho oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay ee Al shabaab ka geyateen Magaaladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer ayuu Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka ku booqday bukaanadan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

- Advertisement -

Meelaha uu booqday Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka waxaa ka mid ah ICU-da isbitaalka Digfeer oo ah qeyb la geeyo dhaawacyada  ay xaaladoodu darantahay, waxaana dhaqaatiirta isbitaalada uu booqday ka wareystay xaalada bukaanada ay qaabileen iyo qaabka ay hada ula tacaalaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dhamaan ehelada bukaanada uu maanta booqday u muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada soo gaartay, isla markaana uu ku garab istaagi doono sidii xaaladooda wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacaba Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa alle uga baryay dhamaan bukaanada dhaawacyada kala duwan qaba bogsiimo deg deg ah.

- Advertisement -

Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey Guddoomiyihii Magaalada Marka Cabdullaahi Axmed Cali Waafow iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo la joogay, waxaana mas’uuliyadda qaraxa sheegtay Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts