HomeWararMadaxweyne Guudlaawe oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ee Jowhar

Madaxweyne Guudlaawe oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ee Jowhar

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu weeraray hotelka Nuur doob. Madaxweyne Cali Guudlaawe oo shir Jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa aad u cambareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu weeraray hotelka Nuur doob.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo shir Jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa aad u cambareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu weeraray hotel ay degnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, wuxuuna Madaxweynaha Hirshabeelle xaqiijiyay  in qaraxa ay ku dhinteen saddex ruux oo uu xusay inay ku dumeen guryo, halka 7 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Maanta.

Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isla markaana waxaa uu Caafimaad u rajeeyay mas’uuliyiintii iyo iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxa oo burbur baaxad leh u geystay dhismayaal badan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku baaqay in loo midoobo la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, isagoona faray laamaha amniga Maamulka inay adkeeyaan ammaanka  deegaanada Hirshabeelle.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen qaraxa hotel ay deganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, qaraxa ayaa dhaliyey khasaare burbur hantiyadeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts