HomeWararMadaxtooyada oo shaacisay in baaritaan lagu sameeyay MW Xasan Sheekh laga waayay...

Madaxtooyada oo shaacisay in baaritaan lagu sameeyay MW Xasan Sheekh laga waayay COVID-19

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kahor laga helay xanuunka COVID-19 oo haleelay, xili uu ka yimid Imaaraadka. Afhayeenka Madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kahor laga helay xanuunka COVID-19 oo haleelay, xili uu ka yimid Imaaraadka.

Afhayeenka Madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh laga waayay COVID-19, isla markaana xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

- Advertisement -

Wuxuu caddeeyay Afhayeen Cabdikariin Kaar in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu kasoo bogsaday xanuunkii COVID-19 ee haleelay, uuna wato shaqada uu qaranka u haayo, isagoo raacaya tilmaamaha Caafimaad ee kahortega COVID-19.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa Carabka ku dhuftay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula hadli doono shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Afhayeenka u mahadceliyay shacabka usoo duceeyay Madaxweynaha.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay xanuunka COVID-19, kadib markii baaritaano lagu sameeyay, xili uu dalka dib ugu soo laabanayay, safarkiisii ugu horreeyay uu Imaaraadka ku tegay tan iyo markii xilka loo doortay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts