HomeWararQarax lala beegsaday Mas’uuliyiin iyo Wariyeyaal oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Qarax lala beegsaday Mas’uuliyiin iyo Wariyeyaal oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan, waxaana soo baxaya faah faahiino dheeeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi. Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday Gaari Nooha ah oo ay la socdeen Wariyeyaal iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan, waxaana soo baxaya faah faahiino dheeeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday Gaari Nooha ah oo ay la socdeen Wariyeyaal iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamul Goboleedka Hirshabeelle, waxaana soo gaaray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay sheegayaan wararka ina soo gaaraya.

- Advertisement -

Gaariga la qarxiyay ayaa sheegay in uu qayb ka ahaa kolonyo Gawaari ah oo Ciidamada Maamulkaas iyo Weriyeyaal ka tirsan TV ga Hirsahbeelle ay la socdeen.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay oo uu ka mid yahay Darawalkii waday Gaariga la qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah labo Weriye oo ka howlgalayay TV ga maamulka Hirshabeelle, waxaana dhaawacyadii dadka waxyeeladu soo gaartay loo qaaday Magaalada Matabaan ee isla Gobolkaasi Hiiraan.

- Advertisement -

Wali maamulka iyo Hya’adaha ammaanka wax war ah kama soo saarin Qaraxasi, laga dewyrinayaa xaaladda caafimaad ee dadkii waxyeeladu soo gaartay, kuwaasi oo haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Latest stories