HomeWararFaah faahin: Dad saarnaa Mooto Bajaaj oo Qarax lala beegsaday iyo khasaaro...

Faah faahin: Dad saarnaa Mooto Bajaaj oo Qarax lala beegsaday iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, qaraxaas ayaa lala beegsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah oo kusii jeeday Garoonka diyaaradaha Jowhar. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka […]

- Advertisement -

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, qaraxaas ayaa lala beegsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah oo kusii jeeday Garoonka diyaaradaha Jowhar.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Magaaladaas lagula eegtay Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, sida dadka deegaannka qaarkood ay sheegeen.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku dhimatay qaraxaas xoogan ee galabta ka dhacay duleedka Jowhar, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkaas dhaawacmay la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Warar la helayo ayaa waxaa heegayaan in dadka la qarxiyey ee Mooto Bajaajta saarnaa oo ka baxay Magaalada Jowhar ay kusii jeedeen tuulooyin ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, hayeeshee uu qaraxu ku qabsaday meel ku dhow Garoonka.

Waa markii saddexaad oo qarax miino oo ay dad rayid ah waxyeelo ka soo gaarto oo ka dhaca inta u dhexeysa Jowhar iyo garoonka diyaaradaha, dhawaan ayey aheyd markii sidaan oo kale qarax miino uu ku qabsaday Mooto Bajaaj ay dad  shacab ah saarnaayeen.

Latest stories