HomeWararCiidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo toogasho ku dilay Nin Miino aasayey

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo toogasho ku dilay Nin Miino aasayey

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ururka 47-aad Guutada-8aad qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ku toogtay Nin ay sheegeen inuu halkaas miino nooca dhulka la geliyo ku aasayey. Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka ay toogasho […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ururka 47-aad Guutada-8aad qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ku toogtay Nin ay sheegeen inuu halkaas miino nooca dhulka la geliyo ku aasayey.

Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka ay toogasho ku dileen Nin miino ku aasayey meel aan sidaas uga fogeyn Saldhig Ciidanka ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunaay.

- Advertisement -

Wuxuu intaas kusii Taliye Daahir Macalin Cali in Ciidanka oo howlgal ku jiray ay arkeen Ninka miinada qaraxa aasayey, isla markaana dilay, kadibna la kala fur furay miinada oo la fashiliyey qaraxaas oo uu sheegay in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka.

Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad qeybta 60-aad ee Xoogga ee dalka ayaa tilmaamay in howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee ay Ciidanka dowladda ka wadaan Gobolka Baay uu sii socon doono, isla markaana Shabaab ay ka saarayaan Gobolka.

Si kastaba deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer weeraro ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ku qaaday Al-shabaab oo deegaankaas kala wareegay Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, iyadoona ay xusid mudan tahay in dagaalo halkaas ka dhacay ay markii dambe ku qabsadeen Ciidanka dowladda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts