HomeWararMadaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta kusii jeeda Magaalada Nairobi

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta kusii jeeda Magaalada Nairobi

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa uu ku wajahan yahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa warar la helayo ay sheegayaan in safarkiisa Kenya uu la xiriiro kulamo kala duwan oo uu halkaas kula […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa uu ku wajahan yahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa warar la helayo ay sheegayaan in safarkiisa Kenya uu la xiriiro kulamo kala duwan oo uu halkaas kula qaadayo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, Ganacsato iyo xubno kale oo ku sugan Magaalada Nairobi.

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa markii hore u yimid Magaalada Muqdisho ololihiisii Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka, isagoona u tartamay doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, wuxuuna ku haray wareega labaad ee doorashada.

Sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho  ayaa iyaguna waxaa ay kusii jeedaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxda maamul Goboleedyada oo dhammaantood ku sugnaa Muqdisho ayaa dib ugu laabanaya Xarumaha maamulada, waxaana shalay Kismaayo ku laabtay Madaxweyne Axmed Madoobe, halka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu isna ku laabtay Baydhabo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts