HomeWararBeesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashada uu kusoo baxay Xasan Sheikh

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashada uu kusoo baxay Xasan Sheikh

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Saaxibbada Caalamka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Sida oo kale waxay u mahadceliyeen Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u oaqbalay natiijada doorashada ka soo baxday isla-markaana uu u ballan qaaday madaxweynaha baddalay inuu garab siinayo. Bayaanka wadajirka ee ay soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saaxibbada Caalamka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida oo kale waxay u mahadceliyeen Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u oaqbalay natiijada doorashada ka soo baxday isla-markaana uu u ballan qaaday madaxweynaha baddalay inuu garab siinayo.

- Advertisement -

Bayaanka wadajirka ee ay soo saareen saaxibbada Soomaaliya waxaa kale oo ay ugu mahadceliyeen Baarlamaanka Soomaaliya, Guuddoonka iyo Shaqaalaha baarlamaanka, Guddiga doorashada madaxweynaha iyo laamaha ammaanka ee suurageliyey iney doorashada si nabad ah ku soo gabgabowdo.

Waxayna ballaan qaadeen madaxweynaha cusub iney kala sahqeeynayaan arrimaha uu mudnaanta siinayo oo suuragelinaya horumarinta nabadda, barwaaqada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka

- Advertisement -

Saaxiibada Beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyeen doorashada loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si dhakhsa ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona.

Waxaan u mahadcelineynaa hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya iyo hawlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha, iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo Howlgalka Kalaguurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya sida ay u hirgeliyeen qabsoomidda doorasho Madaxweyne oo habsami leh, nabdoon oo ammaan ah.

Annanga Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxaan weli ku taaganahay ballanqaadkeenna aan u hayno Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan fahamno arrimaha hortabinta u leh Madaxweynaha cusub si aan uga wada shaqeyno horumarinta nabad, barwaaqo iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts