HomeCaalamkaRuushka oo tijaabiyey gantaal Xambaari kara hubka nukliyeerka

Ruushka oo tijaabiyey gantaal Xambaari kara hubka nukliyeerka

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Milateriga dalka Ruushka ayaa sheegay inay si guul ah u sameeyeen tijaabadii ugu horreysay ee gantaal cusub oo qaaradaha isaga kala gudba, hubkaas oo uu madaxweyne Vladimir Putin ku sheegay inuu ka dhigi doono wadamada reer Galbeedku “inay si qoto dheer u fikiraan” ka hor inta aysan qaadin damacyo gardarro ah oo ka dhan ah Ruushka.

Tijaabada gantaalka Sarmat ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Moscow iyo wadamada reer galbeedka ee ku aaddan duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine, waxayna hoosta ka xariiqday in Kremlin-ku uu xoogga saarayo dhinaca horumarinta hubkiisa Nukliyeerka.

- Advertisement -

Xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda difaaca dalka Maraykanka, John Kirby ayaa sheegay in Ruushku uu Maraykanka siiyey ogaysiis hordhac ah oo ku saabsan tijaabada gantaalkan, iyada oo la raacayo heshiiska cusub ee START ee xakameynta hubka nukliyeerka ee u dhexeeya Moscow iyo Washington.

“Ruushku wuxuu si sax ah ugu wargaliyay Maraykanka iyada oo la raacayo waajibaadkiisa ku dhigan heshiiska New START, inuu qorsheynayo inuu tijaabiyo gaantaalkan,” ayuu yiRi, isagoo hadalkiisa sii raaciyey “Tijaabada noocan oo kale ah waa mid joogto ah, La yaabna may ahayn”

Latest stories