HomeWararFaah faahin: Gaari kamid ah kolonyo galbineysay Guddoomiyaha G/Mudug oo shil galay

Faah faahin: Gaari kamid ah kolonyo galbineysay Guddoomiyaha G/Mudug oo shil galay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada dagaari iyo Tuula Xaaraan ee Gobolka Mudug, kaasi oo geystay khasaaro dhaawac oo soo gaaray Askar ilaalo u ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug. Shilkaan ayaa waxaa galay gaari la socday kolonyo galbineysay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada dagaari iyo Tuula Xaaraan ee Gobolka Mudug, kaasi oo geystay khasaaro dhaawac oo soo gaaray Askar ilaalo u ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug.

Shilkaan ayaa waxaa galay gaari la socday kolonyo galbineysay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Bukhaari Xuseen, waxaana gaariga shilka galay oo ku socday xawaare dheereeya, isla markaana waxa uu ku rogmaday tuurada dagaari.

- Advertisement -

Shilka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Askari oo kamid ah Ciidanka la socday kolonyada Guddoomiyaha dhawaan la magacaabay, iyagoona xiligaas kusii jeeday degmada Bandiiradley ee Mudug, dhaawacyada ayaa la geeyay Xarun Caafimaad.

“Waxaa saaka Shil naga galay Mid ka mid ah Gawaaridii ila socotay xilli aan kusii Jeeday Degmada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug, mahad oo dhan Alle ayay  sugnaatay inoo yasiray qasaaraha gaariga dhacay…  waxaan Caafimaad iyo soo kabasho Deg Deg ah u rajeeynaa labada Askari  ee dhaawacu kasoo Gaaray Shilkaasi” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Bukhaari Xuseen.

Si kastaba  deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa marar kala duwan oo horey ka dhacay shilal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan shilalka loo sababeeyaa gaadiidka oo xawaare loo wado.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts