HomeCaalamkaMadaxweynaha Ukraine markii ugu horreysay tagey meel ka baxsan Caasimadda Kyiv

Madaxweynaha Ukraine markii ugu horreysay tagey meel ka baxsan Caasimadda Kyiv

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Bucha oo u dhaw caasimadda Kiev halkaas oo lagu eedeeyay ciidamada Ruushka inay ku dileen dad rayid ah. Wuxuu mar kale ku eedeeyay Ruushka in Ukraine uu ka geystay dambiyo dagaal iyo xasuuq. Mar BBC ay wax ka weydisay dagaalka , Zelensky wuxuu sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Bucha oo u dhaw caasimadda Kiev halkaas oo lagu eedeeyay ciidamada Ruushka inay ku dileen dad rayid ah.

Wuxuu mar kale ku eedeeyay Ruushka in Ukraine uu ka geystay dambiyo dagaal iyo xasuuq.

- Advertisement -

Mar BBC ay wax ka weydisay dagaalka , Zelensky wuxuu sheegay in uu ka shaqeynayo sidii lagu joojin lahaa dagaalka Ukraine iyadoo loo marayo dariiq diblumaasiyadeed iyo mid militeri.

“Waxaad arkii kartaa waxa lagu sameeyay magaaladan casriga ah, taasina waa dhaqanka ciidamada Ruushka-waxay dadka ula dhaqmaan si ka xun sida loola dhaqmo xayawaanada, waxa aad halkan ku aragteen waa xasuuq dhab ah” ayuu yiri Zelensky.

“Maalinba maalinta ka danbaysa, waxaa la helayaa maydad, dad la jir dilay iyo kuwa la dilay,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Ruushka ayaa beeniyay in ciidamadiisa ay tacaddiyo u geysteen dad rayid ahaa oo ku sugnaa Bucha.

Dagaallo ayaa weli ka socdaa qeybo ka mid ah bariga iyo koonfurta Ukraine oo ay kamid yihiin gobolada Donetsk iyo Luhansk.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts