HomeCaalamkaCiidamada Ruushka oo Magaalooyiin cusub weerar uga qabsaday Ciidanka Ukraine

Ciidamada Ruushka oo Magaalooyiin cusub weerar uga qabsaday Ciidanka Ukraine

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Qiimeyn dhanka sirdoon oo cusub ayaa lagu xaqiijiyay in miltariga Ruushka ay weerar ku qaadeen dhowr jiho oo cusub oo ka tirsan Ukraine . Shirkad dayax-gacmeed oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Ruushka ay geeyeen unugyo cusub meel u dhow caasimadda Kyiv. Sawiradii ugu dambeeyay ayaa muujinayay ciidamada Ruushka oo madaafiic ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qiimeyn dhanka sirdoon oo cusub ayaa lagu xaqiijiyay in miltariga Ruushka ay weerar ku qaadeen dhowr jiho oo cusub oo ka tirsan Ukraine .

Shirkad dayax-gacmeed oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Ruushka ay geeyeen unugyo cusub meel u dhow caasimadda Kyiv.

- Advertisement -

Sawiradii ugu dambeeyay ayaa muujinayay ciidamada Ruushka oo madaafiic ku garaacaya xaafado ku yaala duleedka caasimadda.

Dhismayaal dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in ay gubanayaan. Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in Ruushka uu duqeymo dhanka cirka ah ka geystay magaalooyinka Lutsk iyo Ivano-Frankivsk ee galbeedka Ukraine.

Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo ku sugan bariga magaalada Dnipro, halkaasi oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay.

- Advertisement -

Ruushka ayaa balaariyay weerarada uu ku hayo Ukraine, isagoo weeraray magaalooyinka Lutsk, Ivano-Frankivsk iyo Dnipro.

Maamulka magaalada Mariupol ee koonfurta Ukraine ee muddada dheer go’doonka ku jirtay ayaa sheegay in in ka badan 1500 oo qof oo rayid ah lagu dilay 12 maalmood oo duqeymo ay geysanyeen ciidamada Ruushka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts