HomeCaalamkaMareykanka oo joojiyay shidaalka iyo gaaska uu dalkiisa ka iibsado Ruushka

Mareykanka oo joojiyay shidaalka iyo gaaska uu dalkiisa ka iibsado Ruushka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Xukuumadda Washington ayaa lagu soo warramayaa inay ka baaraandegayso sidii ay cunaqabateynta uga khafiifin lahayd dalka Venezuela, kadib markii uu Madaxweyne Biden shaaciyay inuu joojiyay shidaalka iyo gaaska uu dalkiisa ka iibsado Ruushka. Mas’uuliyiin ka socda Washington ayaa Sabtidii la soo dhaafay gaaray caasimadda Caracas, halkaas oo ay wadahadal kula yeesheen xukuumadda Venezuele, iyagoo kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xukuumadda Washington ayaa lagu soo warramayaa inay ka baaraandegayso sidii ay cunaqabateynta uga khafiifin lahayd dalka Venezuela, kadib markii uu Madaxweyne Biden shaaciyay inuu joojiyay shidaalka iyo gaaska uu dalkiisa ka iibsado Ruushka.

Mas’uuliyiin ka socda Washington ayaa Sabtidii la soo dhaafay gaaray caasimadda Caracas, halkaas oo ay wadahadal kula yeesheen xukuumadda Venezuele, iyagoo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii dalkaas shidaalka qaniga ku ah uu u haqab tiri lahaa baahidda tamarta ee Maraykanka.

- Advertisement -

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Maraykanka uu Venezuela kala hadlay isbedal lagu sameeyo habka loo maamulo shidaalka dalkaas, si loo xoojiyo awoodda dhoofinta, isla markaana ay ku lug yeeshaan shirkado caalami ah.

Qiimaha shidaalka caalamka ayaa hadda gaaray meeshii ugu saraysay muddo 14 sano ah, waxaana la saadaalinayaa in uu aad sare ugu kici doono maalmaha soo socda.

Ruushka ayaa ah dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan u dhoofiya caalamka, waxaana saamigiisa lagu qiyaasaa 10% shidaalka adduunka laga isticmaalo.

- Advertisement -

Arrimaha ay labada waddan ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ah in Maraykanka uu khafiifiyo cunaqabateynta uu Trump saaray Venezuela sanadkii 2019, sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts