HomeWararMuxuu yahay hawlgalka ATMIS ee amniga Soomaaliya kala wareegi doona AMISOM?

Muxuu yahay hawlgalka ATMIS ee amniga Soomaaliya kala wareegi doona AMISOM?

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Afrika, Danjire Bankole Adeoye, oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa shaaciyay in 1-da bisha April uu hawlgal cusub ka shaqo billaabi doono Soomaaliya. Hawlgalka cusub oo lagu magacaabo African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) ayaa hawsha kala wareegi doono African Union Mission in Somalia (AMISOM), […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Afrika, Danjire Bankole Adeoye, oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa shaaciyay in 1-da bisha April uu hawlgal cusub ka shaqo billaabi doono Soomaaliya.

Hawlgalka cusub oo lagu magacaabo African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) ayaa hawsha kala wareegi doono African Union Mission in Somalia (AMISOM), waxaana lagu wadaa inuu xoogga saaro sidii amniga dalka ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Soomaaliya.

- Advertisement -

Danjire Bankole ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ay ku heshiiyeen qorshaha hawlgalka cusub, ujeedooyinka laga leeyahay iyo muddada uu socon doono.

“7-da March 2022, waxa ay 15 sano u buuxsami doontaa hawlgalka AMISOM oo waxbadan ka qabtay nabadeynta Soomaaliya. ATMIS waxa ay xoogga saari doontaa saddex arrin oo kala ah; diyaarinta ciidan si fudud u ciribtira Al-Shabaab iyo xooggaga lamidka ah, nabadeynta dalka iyo in mas’uuliyadda amniga ay la wareegaan ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Bankole.

Golaha ammaanka iyo nabadeynta ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ka hor 31-ka March ay soo geba gabeeyaan hannaanka kala guurka ah ee AMISOM ay ugu wareegayso ATMIS.

- Advertisement -

Hawlgalka cusub ayaa la filayaa inuu socdo muddo cayiman, dhaqaalihiisana ay bixinayaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysay inay yeelato go’aanka ku aaddan qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub.

Wasaaradaha arrimaha dibedda, gaashaandhigga iyo amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa hannaanka AMISOM loogu bedalayo ATMIS. Kulamo ka dhacay Addis Ababa, Qaahira iyo Muqdisho ayaa lagu soo geba gabeeyay hannaanka kala guurka, sida uu sheegay Danjire Bankole.

Latest stories