HomeCaalamkaRuushka oo la shaaciyay inuu qorsheynayo dhicida Dagaalkii ugu weynaa ee Yurub

Ruushka oo la shaaciyay inuu qorsheynayo dhicida Dagaalkii ugu weynaa ee Yurub

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaara Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in Ruushka uu qorsheynayo “dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo 1945-tii.” Johnson oo waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in “astaamaha oo dhan ay muujinaya in qorshahaas uu hadda si ahaan dhaqangalay.” Hogaamiyahan ayaa intaa raaciyay in xogta sirdoonka ay muujinayso in […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaara Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in Ruushka uu qorsheynayo “dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo 1945-tii.”

Johnson oo waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in “astaamaha oo dhan ay muujinaya in qorshahaas uu hadda si ahaan dhaqangalay.” Hogaamiyahan ayaa intaa raaciyay in xogta sirdoonka ay muujinayso in Ruushka uu billaabi rabo duullaan uu dhinac kasta uga go’doomin doono caasimadda Kyiv.

- Advertisement -

“Dadku waa in ay fahmaan khasaaraha bani’aadannimo ee ka dhalan karta duullaanka noocaas ah,” ayuu yiri Johnson.

Ra’iisal wasaaraha ayaa waraysiga bixiyay xilli uu ku sugnaa magaalada Munich, halkaas oo ay hogaamiyayaasha caalamka ku leeyihiin kulan sanadle ah oo looga hadlo ammaanka.

Qiyaastii ugu dambeysay ee uu shaaciyay Maraykanka ayaa tilmaamaysa in ciidan gaaraya 190,000 oo askari uu Ruushka geeyay xuduudda uu la wadaago Ukraine iyo weliba gudaha Belarus.

- Advertisement -

Hogaamiyayaasha reer Galbeedka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka digayay in Ruushka uu duullaankiisa billaabi karo xilli kasta, balse xukuumadda Moscow ayaa beenisay inay weerar ku tahay dalkaas.

Latest stories