HomeWararWararkii ugu dambeeyay ee dagaal beeleedka ka socda Gobolka Galgaduud

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal beeleedka ka socda Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Iyadoo Dagaal qaatay labo maalmood oo xiriir ah uu ka socday Degaanka Haraalle ee Gobolka Galgaduud, ayaa haatan wararka aynu halkaasi ka helayno waxaa ay sheegayaan in hadda xaaladdu taahy mid deggan, kadib markii dagaalku si iskii ah u istaagay. Dagaalka oo ahaa mid marba marka ka dambeysa sii xoogaysanayay ayaa istaagay galabta casar liiqii, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo Dagaal qaatay labo maalmood oo xiriir ah uu ka socday Degaanka Haraalle ee Gobolka Galgaduud, ayaa haatan wararka aynu halkaasi ka helayno waxaa ay sheegayaan in hadda xaaladdu taahy mid deggan, kadib markii dagaalku si iskii ah u istaagay.

Dagaalka oo ahaa mid marba marka ka dambeysa sii xoogaysanayay ayaa istaagay galabta casar liiqii, iyadoo dagaalku uu u dhexeyo Maleeshiyo beeleedyo walaala ah oo ka soo kala Jeedo degmooyin Balanballe iyo Guriceel, waxaana dagaalku ka dhacay deegaanka Haraalle isla Gobolkaasi.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil iyo dhul daaqsimeedyo, waxaana labada dhinac horay uga dhextaagnayd dakano qabiil oo in muddo ah soo jiitamaysay, sida ay sheegayaan wararka aynu ka helayno Galgaduud.

Ku dhawaad 30 qof oo ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalkaasi, waxaaan sidoo kale lasoo sheegaya in ay ku dhaawacmeen dad ka badan 37 ruux, oo kasoo kala jeeda dhinacyada dirirtu ka dhaxayso.

Magaalooyinka Guriceel iyo Balanballe oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud, sidoo kalena ay kasoo kala jeedaan malleyshiyaadka dagaalamaya, ayaa la gaarsiyay dhaawacyada, kuwaasi oo lasoo sheegayo in qaarkod ay aad u liitaan.

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ayaa intaa ku daraya in wali labada dhinac ay si hor fadhiyaan, waxaana mar waliba la filan karaa in dagaalku mar kale qarxo, mana jirto cid dhex-gashay oo Ciidamo kala dhex-dhigtay labada Malleyshiyo, inkastoo ay jiraan qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo baaq hawada u mariyay dadka walaalaha ah ee is laynaya.

Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa joogto ka noqday dagaal beeledyada ku salaysan aanooyin qabiil oo soo jireen ah iyo dhul-daaqsimeedyo, waxaana horay loogu guulaystay in la damiyo dagaallo sidaan oo kale dhexmaray labada dhinac, inkastoo aan la gaarin gunta xalka rasmiga ah ee labada dhinac ku wada noolaan karaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts