HomeWararDhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya,waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkaasi. Dagaalka oo ah mid u dhexeeya Beelo walaaalo ah oo Gobolkaasi wada dega ayaa ka dhacay Deegaano dhaca dhanka Koonfureed ee Degmada Balanbale ee Gobolka galgaduud, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya,waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkaasi.

Dagaalka oo ah mid u dhexeeya Beelo walaaalo ah oo Gobolkaasi wada dega ayaa ka dhacay Deegaano dhaca dhanka Koonfureed ee Degmada Balanbale ee Gobolka galgaduud, waxaana jira Khasaaro baahsan oo soo kala gaaray labada dhinac.

- Advertisement -

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in 7 ruux ay ku dhinteen, waxaana dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen tiro intaas ka badan, waxaana dagaalka xooggiisu uu ka dhacay koofurta Degmada Balanbale ee Gobolka galgaduud.

Dadka dhintay ayaa kasoo kala jeeda labada  Maleeshiyo Beelood oo sanado badan, deeganadan ku dagaalamayey ,waxaana sidoo kale la gubay 15 Guri oo ay daganayeen Dad Xoolo dhaqato ah, sida ay inoo xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.

Dagaalkaasi Khasaaraha badan dhaliyay wali maamul Goboleedka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada  kama aysan Hadlin, waxaana inta badan degaanada Hoos yimaada Degmada Balanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud kusoo laa-laabta dagaalada noocaas oo kale ah ee beelaha dhex-mara.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts