HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Faah faahin kasoo baxeysa Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo caan ka ahaa gudaha  Cape-town, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas. Muwaadinka la dilay oo Ganacsade ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cadde Xasan Cadaan, waxaana dilkiisa loo adeegsaday rasaas, […]

- Advertisement -

Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo caan ka ahaa gudaha  Cape-town, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Muwaadinka la dilay oo Ganacsade ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cadde Xasan Cadaan, waxaana dilkiisa loo adeegsaday rasaas, xili uu marayay deegaanka Philipi oo ka tirsan Magaalada Cape-town.

- Advertisement -

Marxuum Cadde Xasan ayaa waxaa la sheegay inuu gaari ku wareejin jiray Rooti, si looga Ganacsado ama looga iibsado, isla markaana waxaa uu u geeriyooday weerar loo adeegsaday rasaas oo ay ku qaadeen burcad hubeysa oo dooneysay inay dhacaan..

Booliska Koonfur Afrika ayaa la tilmaamay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana la rumeysan yahay in wax natiijo ah kasoo bixin doonin baaritaanka ay wadaan Booliska.

Si kastaba Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa sidaan oo kale horey loogu dilay gudaha Magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika, iyadoona bilowga sanadkaan 2022 dalkaas lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lahaa goobo Ganacsi, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada falalka loo geysanayo Soomaalida.

Latest stories