HomeWararMaxay tahay sababta Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya uu u yimid Muqdisho?

Maxay tahay sababta Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya uu u yimid Muqdisho?

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dagay Ambassador Larry André oo ah safiirka uu Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya bishii Abriil sanadkii hore. Safiirka ayaa la sheegay inuu aad u daneynayo in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed, dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka “si aan u horumarinno ujeeddada aan wadaagno ee ah in Soomaaliya noqoto dal amni ah, […]

- Advertisement -

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dagay Ambassador Larry André oo ah safiirka uu Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya bishii Abriil sanadkii hore.

Safiirka ayaa la sheegay inuu aad u daneynayo in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed, dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka “si aan u horumarinno ujeeddada aan wadaagno ee ah in Soomaaliya noqoto dal amni ah, barwaaqo ah oo dimoqraadi ah.” ayaa la yiri qoraal lagu shaaciyay twitter-ka safaaradda.

- Advertisement -

Larry Edward André, Jr, waa sarkaal sare oo muddo ku soo dhexjiray Adeegga Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Safiirka ayaa wuxuu Mareykanka u qaabilsanaa dalka Jabuuti tan iyo horraantii sannadkii 2017-kii.

André, wuxuu fursad u helay in seddaxdii madaxweyne ee Mareykanka ee ugu dambeeyay uu u noqdo wakiil, ugana howlgalo dalal Afrika ku yaalla.

Latest stories