HomeWararWafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Kismaayo

Wafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland. Guddoomiye Muuse Geelle iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Guddoomiye Muuse Geelle iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaas.

- Advertisement -

Ujeedka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay sidii goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada kuraasta lixda ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo Jadwalkooda xalay la shaaciyey.

Sidoo kale Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa kulamo la qaadan doona Guddiga doorashada Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoona ka wada hadlin doona dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle ayaa dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho, waana safarkii ugu horeeyay ee uu Maanta ku tegay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Latest stories