HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil saaka ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan Isgoyska Towfiiq, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah. Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilka ka dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil saaka ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan Isgoyska Towfiiq, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilka ka dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari dadweynaha raacaan iyo mid kale oo nooca iska rogaha ah ee lagu qaado dhagxaanta, xili ay iskaga horyimideen Isgoyska Towfiiq.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, halka saddex qof kalena dhaawac uu soo gaaray shilka, kuwaasi oo durbadiiba loola cararay Xarun Caafimaad, waxaana dhammaantood dadka waxyeelada gaartay la sheegay inay heysteen gaariga BL-ka ahaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa ilaalada waddooyinka ee Taraakifada ayaa durbo goobta gaaray, iyagoona sameeyay baaritaano ku aadan qaabka uu shilku u dhacay, isla markaana goobta ka jiiday gaariga BL-ka.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka u kaxeeya xawaare sare.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts