HomeWararMaxay ka wada hadleen Madaxweyne Saciid Deni iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland?

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Saciid Deni iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka ku qaabilay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dardargelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka ku qaabilay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC),

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dardargelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland.

- Advertisement -

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay in dhammaan deegaannada Puntland ka qabtaan doorasho qof iyo Cod ah, ayna arrintaas tahay go’aan dastuuri ah oo la gaaray 1998-dii

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’addaha ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Deni ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la dardar-geliyo qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland.

- Advertisement -

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga Doorashooyinka TPEC, Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid , Guddoomiye Ku-xigeen Cali Jaamac Faarax, xubnaha kale ee Guddiga iyo
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts