HomeCaalamkaMareykanka oo soo saaray Digniin ku socota Dowladda Madaxweyne Putin

Mareykanka oo soo saaray Digniin ku socota Dowladda Madaxweyne Putin

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Wendy Sherman ayaa uga digtay Ruushka inuu kala doorto diblomaasiyad amaba iska hor imaad dhex mara Galbeedka. Hadalkan ayay sheegtay kaddib wada hadallo dhex maray Nato iyo Ruushka, waana mid ka mid ah saddex kulan diblomaasiyadeed oo toddobaadkan dhacay loogana gol lahaa yareynta xiisadda Ukraine. Ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda […]

- Advertisement -

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Wendy Sherman ayaa uga digtay Ruushka inuu kala doorto diblomaasiyad amaba iska hor imaad dhex mara Galbeedka.

Hadalkan ayay sheegtay kaddib wada hadallo dhex maray Nato iyo Ruushka, waana mid ka mid ah saddex kulan diblomaasiyadeed oo toddobaadkan dhacay loogana gol lahaa yareynta xiisadda Ukraine.

- Advertisement -

Ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Alexander Grushko ayaa isna sheegay in Nato ay awoodi weysay oggolaanshaha dalabaadka Moscow. Liiska dalabaadka waxaa ka mid ah in Ukraine aysan weligeed ku biiri karin Nato.

Ilaa 100,000 oo ciidamo Ruushka ka socda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin meel u dhow xadka Ukraine, taas oo keentay cabsi laga qabo inay xoog ku galaan dalkaas.

Sherman ayaa mar kale ku celisay in Mareykanka iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Nato aysan marnaba oggolaan doonin in codka diidmada qayaxan loo adeegsado Ukraine, iyadoo sheegtay in isbahaysiga militari uu ku dhaqmo siyaasadda albaabka furan. Hadafka ah inay Nato ku biirto wuxuu qeyb ka yahay dastuurka Ukraine.

Latest stories