HomeWararQaramada Midoobay oo Dalab cusub hordhigtay Hoggaamiyeyaasha Soomaalida

Qaramada Midoobay oo Dalab cusub hordhigtay Hoggaamiyeyaasha Soomaalida

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Qaramada Midoobay ayaa War kasoo saartay heshiiskii shalay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho, kadib Shir Caasimadda uga socday 6 maalmood oo ay uga hadlayeen Arrimaha doorashada. Xafiiska UN-ka ee Somalia oo Qoraal soo saaray ayuu lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin in Golaha Wadatashiga gaaraan is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca […]

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa War kasoo saartay heshiiskii shalay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho, kadib Shir Caasimadda uga socday 6 maalmood oo ay uga hadlayeen Arrimaha doorashada.

Xafiiska UN-ka ee Somalia oo Qoraal soo saaray ayuu lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin in Golaha Wadatashiga gaaraan is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay inay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamada, si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirri-gelinaysay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf.

“QM waxa ay dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Xafiiska QM ee Somalia.

Latest stories