HomeWararXildhibaano ka tirsan Galmudug oo laga joojiyay fadhiyada Baarlamaanka iyo sababta

Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo laga joojiyay fadhiyada Baarlamaanka iyo sababta

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa fadhiyada Baarlamaanka oo afar kulan ah ka joojiyay Lix Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas, kuwaasi oo eedeyn loo jeediyay. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada laga joojiyay fadhiyada Baarlamaanka lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen Dastuurka Maamulka iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa fadhiyada Baarlamaanka oo afar kulan ah ka joojiyay Lix Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas, kuwaasi oo eedeyn loo jeediyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada laga joojiyay fadhiyada Baarlamaanka lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen Dastuurka Maamulka iyo xeer-hoosaadyada Golaha u degsan.

- Advertisement -

Xildhibaanada laga joojiya afarta kulan oo kamid ah fadhiyada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ku jiro Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka iyo Xildhibaano kale, waxaana sidoo kalena laga joojiyay Gunno 2 bilood ah oo ay qaadan jireen.

Xildhibaanadan ayaa waxaa lagu amray in ay bixiyaan raali gelin iyo Cudur daar Qoraal ah inta uu socdo Kal-fadhiga 5-aad sanadka 2022, kadib markii lagu eedeeyay howl gudasho la’aan.

Xubnaha maanta shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa maalmahaan aad u diidanaa shuruuc aan marin habraaca saxda ah oo Baarlamaanka xoog lagu marsiiyay iyo qaladaad kale oo lagu eedeeyay inuu ku kacay Guddoomiye Dr. Maxamed Nuur Gacal.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoomiye Gacal..

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts