HomeWararMidowga Musharaxiinta oo Baaq Deg-deg ah u diray Guddiga Doorashada heer Federaal

Midowga Musharaxiinta oo Baaq Deg-deg ah u diray Guddiga Doorashada heer Federaal

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay xilka qaadistii Maanta xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay ku sameeyeen Guddoomiyihii Guddiga Maxamed Xasan Cirro oo eedeymo culus loo jeediyay. War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga ayaa Guddiga doorashada iyo Guddiga xalinta khilaafaadka loogu baaqay inay si deg-deg ah hoggaan u doortaan, sidoo kale waxaa uu ku booriyay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay xilka qaadistii Maanta xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay ku sameeyeen Guddoomiyihii Guddiga Maxamed Xasan Cirro oo eedeymo culus loo jeediyay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga ayaa Guddiga doorashada iyo Guddiga xalinta khilaafaadka loogu baaqay inay si deg-deg ah hoggaan u doortaan, sidoo kale waxaa uu ku booriyay inay Guddiyada ka foggaadaan siyaasadda.

- Advertisement -

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada uu leeyahay Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-ka bishaan ka furmaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo looga arrinsan doono sixida hannaanka doorashada.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa rajeeyay inay Natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, laguna toosinayo geedi socodka doorashada iyo dardar-gelinteeda.

Xubno ka tirsan Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa maanta xilka ka qaaday Guddoomiyihii Guddigaas Maxamed Xasan Cirro oo lagu eedeeyay inuu caqabad ku ahaa doorashada, hayeeshee Maxamed Cirro ayaa sheegay in aan weli xilka laga qaadin.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Midowga

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts