HomeWararMadaxda Xisbiga Shariif Sheikh Axmed iyo RW Rooble oo isla qaatay go’aan...

Madaxda Xisbiga Shariif Sheikh Axmed iyo RW Rooble oo isla qaatay go’aan adag oo ku aaddan doorashada

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxda Xisbiga Himilo-qaran oo uu hoggaamiyo madaxweyne hore Shariif Sh.Axmed ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah. Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Wasiirudowlaha Cadaaladda XFS ahna Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Guddoomiye […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxda Xisbiga Himilo-qaran oo uu hoggaamiyo madaxweyne hore Shariif Sh.Axmed ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Wasiirudowlaha Cadaaladda XFS ahna Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Dr. Maxamed Maxamuud Shirwac iyo Xoghaya Maaliyadda xisbiga Himilo Qaran Cabdinaasir Maxamed Sh Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Raysal wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.

- Advertisement -

Kulanka  ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sixidda Doorashada iyo dardar gelinta doorashooyinka, waxaana la isku raacay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dib u dhigi kara arrimaha doorashada taasoo saldhig u ah horusocodka Dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo Golaha Midowga Musharixiinta ay ku dhawaaqeen Shirweyne, kaasi oo aysan shaacin xiliga uu furmi doono, waxaana soo baxayay Warar hoose oo sheegayay in Xubnaha midowga Musharxiinta ay ku kala qaybsameen tallabadaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts