HomeWararMadaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo gaaray Jabuuti iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo gaaray Jabuuti iyo ujeedkiisa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Cagjar ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay ku-xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha Gobolka Cali […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Cagjar ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay ku-xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha Gobolka Cali Sabiix.

- Advertisement -

Ujeedka Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ee Jabuuti ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka madasha aragti-wadaagga ah oo uu soo agaasimay mac’hadka Heritage oo berri ka furmaya dalkaas.

Ajandaha sanadkan lagu falanqeynayo Madasha aragti-wadaagga ayaa halku dhiggiisu yahay Xasillooni darada ka jirta Geeska Afrika, muddo saddex maalin oo ay socoto Shirweynahan ayaa waxaa jiri doona Madalo Dood ah oo looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Geeska Afrika, marxalada kala guurka iyo doorashada Soomaaliya.

Madasha shirka Heritage ayay Soomaalida Gobolka iyo kuwa caalamkuba isku waraystaan, isla markaana uga doodaan danaha guud ee ka dhaxeeya Soomaalida. tan iyo aas-aaskii mac’hadka waxaa la qabtay shan kulan oo midkii ugu danbeeyay uu ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts