HomeWararMuxuu Ra'iisul Wasaare Rooble kala hadlay Odayaasha dhaqanka ee Gobolada Waqooyi?

Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay Odayaasha dhaqanka ee Gobolada Waqooyi?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay odayaasha dhaqanka in ay si hufan oo isu dheellitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaannada. Kulanka oo ka dhacay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay odayaasha dhaqanka in ay si hufan oo isu dheellitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaannada.

- Advertisement -

Kulanka oo ka dhacay xafiiska  Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, isagoona sheegay Ra’iisul Wasaaraha in muhiim tahay dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka…

Kulankaan uu Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa waxaa ka horreeyay kulan oo Maanta la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahadi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in xal buux laga gaaray madmadowgii ka dhex jiray labada dhinac, waxaana isku afgartay in horay loo sii wado doorashada.

- Advertisement -

Dhowr jeer oo hore sidaan oo kale waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, waxaana la isku haayay oo kaliya cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts