HomeCaalamkaNin ku eedeeysan dilkii Wariye Jamal Khashogi oo gacanta lagu dhigay

Nin ku eedeeysan dilkii Wariye Jamal Khashogi oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Wararka ka imanaya dalka Faransiiska, ayaa sheegaya in nin Sucuudiyaan ah, oo loogga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii wariye Jamal Khashogi lagu xirey dalkaasi. Khaalid Aalu Tayba, ayaa lagu xirey gagidda dayuuradaha ee magaalada Paris talaadadii, sida ay qortey warbaahinta Faransiiska. Wuxuu kamid yahay 26 qof, oo ay dowladda Turkey-ga ku daba jirto, […]

- Advertisement -

Wararka ka imanaya dalka Faransiiska, ayaa sheegaya in nin Sucuudiyaan ah, oo loogga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii wariye Jamal Khashogi lagu xirey dalkaasi.

Khaalid Aalu Tayba, ayaa lagu xirey gagidda dayuuradaha ee magaalada Paris talaadadii, sida ay qortey warbaahinta Faransiiska. Wuxuu kamid yahay 26 qof, oo ay dowladda Turkey-ga ku daba jirto, sababo la xiriira dilkii Jamaal Khashogi.

- Advertisement -

Qofkan oo dadiisa lagu sheegay 33 sano jir, oo kamid ahaan jirey ilaalada gaarka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku socdaalayey magaciisa rasmiga ah, waxaa la dhigay xabsi maxkamadeed.

Khashogi, oo ahaa nin si weyn u dhaleeceyn jirey dowladda Sucuudiga, ayaa lagu diley qunsuliyadda dowladda Sucuudigu ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, bishii Octobar ee sanadkii 2018-kii.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in weriyihii wargeyska The Washington Post lagu diley hawlgal aan sax aheyn.

- Advertisement -

Waxey intaa ku dareen iney fuliyeen dilka koox wakiillo ah, oo loo direy iney kasoo dhaadhiciyaan wariyaha inuu dib ugu soo noqdo boqortooyada Sucuudiga.

Laakiin saraakiisha Turkey-ga, ayaa sheegay in wakiilada ay ku dhaqaaqeen amaro ka yimid madaxda ugu sareysa ee dowladda Sucuudiga.

Latest stories