HomeCaalamkaNin ku eedeeysan dilkii Wariye Jamal Khashogi oo gacanta lagu dhigay

Nin ku eedeeysan dilkii Wariye Jamal Khashogi oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wararka ka imanaya dalka Faransiiska, ayaa sheegaya in nin Sucuudiyaan ah, oo loogga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii wariye Jamal Khashogi lagu xirey dalkaasi. Khaalid Aalu Tayba, ayaa lagu xirey gagidda dayuuradaha ee magaalada Paris talaadadii, sida ay qortey warbaahinta Faransiiska. Wuxuu kamid yahay 26 qof, oo ay dowladda Turkey-ga ku daba jirto, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka ka imanaya dalka Faransiiska, ayaa sheegaya in nin Sucuudiyaan ah, oo loogga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii wariye Jamal Khashogi lagu xirey dalkaasi.

Khaalid Aalu Tayba, ayaa lagu xirey gagidda dayuuradaha ee magaalada Paris talaadadii, sida ay qortey warbaahinta Faransiiska. Wuxuu kamid yahay 26 qof, oo ay dowladda Turkey-ga ku daba jirto, sababo la xiriira dilkii Jamaal Khashogi.

- Advertisement -

Qofkan oo dadiisa lagu sheegay 33 sano jir, oo kamid ahaan jirey ilaalada gaarka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku socdaalayey magaciisa rasmiga ah, waxaa la dhigay xabsi maxkamadeed.

Khashogi, oo ahaa nin si weyn u dhaleeceyn jirey dowladda Sucuudiga, ayaa lagu diley qunsuliyadda dowladda Sucuudigu ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, bishii Octobar ee sanadkii 2018-kii.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in weriyihii wargeyska The Washington Post lagu diley hawlgal aan sax aheyn.

- Advertisement -

Waxey intaa ku dareen iney fuliyeen dilka koox wakiillo ah, oo loo direy iney kasoo dhaadhiciyaan wariyaha inuu dib ugu soo noqdo boqortooyada Sucuudiga.

Laakiin saraakiisha Turkey-ga, ayaa sheegay in wakiilada ay ku dhaqaaqeen amaro ka yimid madaxda ugu sareysa ee dowladda Sucuudiga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts