HomeWararCiidamo Kummandoos lasoo tababaray oo dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho

Ciidamo Kummandoos lasoo tababaray oo dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka oo sabti ah kasoo degtay diyaarad sidday Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga. Ciidamada oo si gaar ah uga tirsan Ururka 9-aad ee Kumaandooska Gor-gor ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka oo sabti ah kasoo degtay diyaarad sidday Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga.

Ciidamada oo si gaar ah uga tirsan Ururka 9-aad ee Kumaandooska Gor-gor ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka dhulka Biixi oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Ciidanka Gorgor ay qeyb ka yihiin howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan Gobollada dalka, isagoona sheegay inay soo qaateen tababar Casri ah.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee tababarka u soo siisay Ciidamada ka tirsan kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor, wuxuuna xusay in tababarkooda uu yahay mid kalsooni weyn ay ku qabaan .

Dowlada Turkiga ayaa gacan ka siisa dowladda Soomaaliya dhinaca tababarka ciidamada, waxaana sidoo kale Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho dugsi lagu tababaro Ciidamada, iyadoo boqolaal askar ah ay tababar ku soo qaateen dugsiga Turkiga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts