HomeWararMaamulka Puntland oo sheegay in Ciidamada PSF ay laba Garab kala noqdeen

Maamulka Puntland oo sheegay in Ciidamada PSF ay laba Garab kala noqdeen

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Puntland ahna Duqa degmada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile) ayaa ka hadlay muranka u dhexeeya Maamulka Puntland iyo Ciidamada Hay’adda PSF, kaasi oo ka dhashay xilka qaadista Agaasimihii PSF-ta. Duqa Boosaaso Cabdiqani Deera-dile oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamada PSF ay kala noqdeen laba garab, oo ay  […]

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Puntland ahna Duqa degmada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile) ayaa ka hadlay muranka u dhexeeya Maamulka Puntland iyo Ciidamada Hay’adda PSF, kaasi oo ka dhashay xilka qaadista Agaasimihii PSF-ta.

Duqa Boosaaso Cabdiqani Deera-dile oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamada PSF ay kala noqdeen laba garab, oo ay  u kala wareegeen Agaasimaha cusub ee dhawaan la magacaabay ee Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

- Advertisement -

Ciidamo kale oo kamid ah PSF ayuu Duqa Boosaaso tilmaamay inay weli la joogaan Agaasimihii uu xilka qaadista ku sameeyay Madaxweynaha Puntland ee Maxamuud Cismaan Diyaano, kaasi oo sharci darro ku tilmaamay xilka qaadista lagu sameeyay.

Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Puntland ayaa shacabka Magaalada ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan ka barakicin guryahooda, wuxuuna Maxamuud Diyaano ku eedeeyay inuu dadka ku wado khal-khal gelin, taasina uu sheegay in aysan aqbali doonin.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adda PSF oo ay uga hadlayaan hadalka kasoo yeeray Duqa Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo ku saabsan in Ciidanku laba garab u kala jabay, xilli ay taagan  tahay xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Maxamuud Diyaano..

Latest stories