HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Koox hubeysan oo Dil ka fulisay Magaalada Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Koox hubeysan oo Dil ka fulisay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan koox hubeysan oo gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshada Caanaha ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Askariga ka tirsan kuwa Taraafikada ee dowladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan koox hubeysan oo gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshada Caanaha ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Askariga ka tirsan kuwa Taraafikada ee dowladda Federaalka, xili uu ku sugnaa Isgoyska Warshada Caanaha.

- Advertisement -

Dadkii ka dambeeyay dilka Askariga ayaa goobta si deg deg ah uga cararay, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas tegay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qaaday Meydka Askariga la dilay.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmahan kusoo badanayey dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan kooxaha ku hubeysan Bastooladaha, waxaana maalin kahor degmada Hodan lagu dilay Haweeney ka tirsaneyd Ciidanka dowladda.

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaan wali ka hadlin dilalka iyo qaraxyada muddooyinkii dambe ku yaraa Magaalada MUqdisho ee dib ugu soo laabtay, waxaana falalkan ammaan darro dhacayaan xili Ciidamo badan ka howlgalayaan gudaha Caasimadda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts