HomeWararCiidanka difaaca Puntland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay degaanno ka tirsan  Gobolka...

Ciidanka difaaca Puntland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay degaanno ka tirsan  Gobolka Bari

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Howgallo saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidanka difaaca dowlad Goboleedka Puntland ay ka sameeyeen buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari. Inta ay howgalka ku jireen Ciidanku ayaa la sheegay in iska hor imaadyo ay dhex-mareen iyaga iyo dagaalamayaal ka tisan Al-shabaab. Wararka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Howgallo saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidanka difaaca dowlad Goboleedka Puntland ay ka sameeyeen buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Inta ay howgalka ku jireen Ciidanku ayaa la sheegay in iska hor imaadyo ay dhex-mareen iyaga iyo dagaalamayaal ka tisan Al-shabaab.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya in la maqlayay rasaas xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen, waxaana dadka degaanku ay kusoo warramayaan in muddo saacadaha la maqlayay dhawaqa rasaaasta ay isku adeegsanayeen Ciidanka difaaca iyo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee Buuraha ku sugnaa.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska dagaalkaasi, balse dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay macquul tahay in dagaalka uu ka dhashay khasaare, maaddama jugta iyo dhawaqa rasaasta ay si aad ah u maqlayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ay qaadeen Howgal qorsheysan oo ay ku baadi goobayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aysan faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac.

- Advertisement -

Inta badan Ciidanka difaaca dowlad Goboleedka Puntland iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalama dhulka Buuraleyda ah ee degaanada Puntland, waxaana tiro dhowr jeer ah goobahaasi ak dhacay daggaallo khasaaro badan dhaliyay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts