HomeWararRW Rooble oo war kasoo saaray booqashadiisii Magaalada Balcad

RW Rooble oo war kasoo saaray booqashadiisii Magaalada Balcad

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray socdaalkiisii uu maanta ku tagay Magaalada Balcad ee Gobolka Shabbeellaha dhexe, halkaasi oo uu wali ku sugan yahay, isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay. Rooble ayaa Bulshada iyo Maamulka Magaalada waxaa uu kaga mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Degmada. Qoraal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray socdaalkiisii uu maanta ku tagay Magaalada Balcad ee Gobolka Shabbeellaha dhexe, halkaasi oo uu wali ku sugan yahay, isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay.

Rooble ayaa Bulshada iyo Maamulka Magaalada waxaa uu kaga mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Degmada.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray ayuu sheegay in Bulshada Magaalada ay heellanyihiin nabadda, dowladnimada iyo horumarinta deegaannadooda, waxaana sidoo kale uu si gaar ah u bogaadiyay odayaashii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad,taasi oo ku taalla Magaalada Balcad ee uu ku sugan yahay RW Rooble.

“Waxaan bulshada Balcad, maamulkooda iyo madaxweynaha Hirshabeelle uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran. Booqashadeydii maanta waxaa iiga baxay sida bulshada Balcad ugu heellanyihiin nabadda, dowladnimada iyo horumarinta deegaannadooda.Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa odayadii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad” ayuu yiri RW Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa  xarigga ka jaray dhagax dhigga dugsiga beeraha ee Balcald oo muhiimad gaar ah u leh magaaladan caanka ku ah waxsoosaarka beeraha, isagoo sidoo kale kulamo la leh waxgaardka iyo qabaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u sheegay in uu safaro ku kala bixin doono Magaalooyinka dalka, gaar ahaan magaalooyinka loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts