HomeWararMadaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo ku kulmaya Magaalada Garoowe

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo ku kulmaya Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu safar ku tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, si uu ula kulmo Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ujeedkiisa Garoowe waxaa uu yahay kulan uu la qaadan doono Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu safar ku tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, si uu ula kulmo Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ujeedkiisa Garoowe waxaa uu yahay kulan uu la qaadan doono Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

- Advertisement -

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ay ka arrisan doonaan Arrimo kale oo qorsheysan, isla markaana socdaalka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay mid salka ku haaya doorashada.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan la filayay inay kulan gaar ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, hayeeshee Madaxweyne Deni ayaa socdaalka uu ku tegi lahaa Nairobi ka baaqday.

Labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ayaa ah Isbaheysi, iyagoona afartii sanno ee lasoo dhaafay loolan adeg kala dhexeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts