HomeWararCiidanka Puntland oo howlgal ku qabtay Dad ku howlnaa falal amni darro

Ciidanka Puntland oo howlgal ku qabtay Dad ku howlnaa falal amni darro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ballaaran ay ka sameeyeen gudaha xaafaddo ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen Guryo iyo Hoteelo bartilmaameed u ahaa, iyagoona sidoo kalena su’aalo la xiriira amniga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ballaaran ay ka sameeyeen gudaha xaafaddo ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen Guryo iyo Hoteelo bartilmaameed u ahaa, iyagoona sidoo kalena su’aalo la xiriira amniga weydiinayay dhalinyarada.

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay dad la sheegay inay ku howlnaayeen falal amni darro oo ka dhaca Magaalada Boosaaso, waxaana dadkaas la qabtay oo tiradooda la shaaciyay lagu xiray Xarumo ay leeyihiin Ciidanka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka Ciidamada uu u ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shacabka Magaalada ka dalbaday inay laamaha amniga kala shaqeeyaan, si looga hortego falalka amni darro, maadaama Magaalada Boosaaso ay kamid ah Magaalooyinka ay ka dhacaan Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts