HomeWararShil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil geystay khasaaro oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo xawaare ku socday. Dad ayaa soo weriyey in Shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaado ah iyo gaari oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil geystay khasaaro oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo xawaare ku socday.

Dad ayaa soo weriyey in Shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaado ah iyo gaari oo raaxo ah, xili ay iskaga horyimideen Koontaroolka lasoo galo Magaalada Gaalkacyo.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo ku jiro darawalkii waday gaariga raaxada ah ayaa ku dhaawacmay Shilkaas dhacay, waxaaba si deg deg ah gurmad ugu sameeyay dad goobta ka Agdhawaa, iyagoona la geeyay Xarun Caafimaad.

Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinayay inuu burbur xoogan soo gaaray gaariga yar, maadama uu ku dhacay gaari weyn oo ku socday xawaare sare, sida la sheegay, waxaana markii dambe goobta laga jiifay gaadiidka isku dhacay.

Duleedka Magaalada Gaalkacyo iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer oo horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan Shilalkaas loo sababeeyay gaadiidka oo xawaare loo waday iyo waddooyinka oo burbursan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts