HomeCaalamkaMadaxweyne Erdogan oo ku hanjabay inuu Eryi doono Safiirada 10 Dal

Madaxweyne Erdogan oo ku hanjabay inuu Eryi doono Safiirada 10 Dal

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu eryi doono safiirada dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo sideed kale oo reer galbeed ah kadib markii ay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku taageerayaan hoggaamiye ka mid ah bulshada rayidka Turkey. Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu eryi doono safiirada dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo sideed kale oo reer galbeed ah kadib markii ay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku taageerayaan hoggaamiye ka mid ah bulshada rayidka Turkey.

Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin. Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha.

- Advertisement -

War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.”

Erdogan ayaa muujiyey sida uu uga careysan yahay hadalka safiirada isaga oo weriyayaasha la hadlay xilli uu saarnaa diyaarad kasoo celisay safar uu ku tegay Afrika.

Xiisaddan cusub ayaa mugdi gelineysa kulanka la qrosheeyey ee dalalka G20 oo toddobaadka soo socda ka dhacaya Roma, halkaasi oo Erdogan uu filayo inuu kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

- Advertisement -

Labada mas’uul ayaa leh xiriir aan wanaagsaneyn marka loo eegaa kii adkaa ee Erdogan iyo Trump. Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts