HomeWararSarkaal toogasho ku dilay qof dumar ah oo xukun lagu riday

Sarkaal toogasho ku dilay qof dumar ah oo xukun lagu riday

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maxamed Nuur oo ah sarkaal ka tirsanaa booliksa Minneapolis oo toogasho ku dilay haweeney aan hubeysneyn ayaa maanta lagu xukumay ku dhowaad shan sano oo xabsi ah. Muddada xabsigan ayaa ah tan ugu badan ee lagu ridi karo qof lagu helay dambi dil kama’a kadib markii ay maxkamad laashay dambi dil ah oo horey loogu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxamed Nuur oo ah sarkaal ka tirsanaa booliksa Minneapolis oo toogasho ku dilay haweeney aan hubeysneyn ayaa maanta lagu xukumay ku dhowaad shan sano oo xabsi ah.

Muddada xabsigan ayaa ah tan ugu badan ee lagu ridi karo qof lagu helay dambi dil kama’a kadib markii ay maxkamad laashay dambi dil ah oo horey loogu helay Maxamed Nuur.

- Advertisement -

Maxamed Nuur ayaa horey loogu helay dambi dil darajada saddexaad ah ah iyo dil kama’ ah oo la xiriira toogashadii ay 2017 ku dhimatay Justine Ruszczyk Damond, oo aheyd gabar Australian-American oo 40 jir ah.

Maxamed Nuur ayaa xabad ku dhuftay Justine kadib markii ay isaga iyo sarkaal kale oo boolis ah ay tageen gurigeeda taasi oo ka dambeysay markii ay soo wacday taleefonka xaaladda deg degga ah ee 911, si ay ugu wargelisay kufsi ay suurta-gal aheyd inuu ka dhacayey gurigeeda gaadaashiid.

Maxamed ayaa sheegay inuu ka argagaxay qaylida Justine, kadibna uu xabadda riday.

- Advertisement -

Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa bishii tagtay laashay xukunkii dilka ee horey loogu helay Maxamed Nuur, ayada oo sheegtay in xeerka dilka ee darajada saddexaad uusan ku habboonayn kiiskan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts